Bannaanbax Ballaaran O Sakay Ka Dhacay Qaar Kamid Ah Degmooyinka Muqdisho

 

15-10-2020

 

Bannaanbax ballaaran ayaa saakay ka bilowday qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lasoo sheegayaa in hadda uu bannaanbaxu sii xoogaystay, kadib markii ay dadweyne farabadan isugu soo bexeen.

Waxaa dadka banaanbaxa dhigaya ay ka caraysan yihiin wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmooyinka kala ah Yaaqshiid iyo Hiliwaa, waxaana saaka isku soo baxay dadweyne ka caraysan tallaabada lagu xiray wadooyinka muhiimka u ah degmooyinkaas.

Bannaanbaxa ayaa waxaa hor kacaya dad u badan Gaadiidley sida wararku sheegayaan, kuwaas oo waddooyinka ay mar jireen, waxaana aagga uu banaanbaxa ka socda uu ku teedsan yahay Laamiga Dheer dheer ee Warshadaha, kaasi oo muhiim u ah isku socodka guud ee magaalada.

Carruur, haween, dhaliyaro iyo Gaadiidley farabadan ayaa lagu arkayaa waddada iyagoo ku banaanbaxaya, waxaana ay sheegeen iney doonayaan in loo furo waddooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dhagxaantii ka qaadday qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhagxaantii laga qaaday gudaha caasimadda lagu jaray waddooyinka soo gala magaalada ee ay ugu horreyso qaybo kamid ah Wadada Warshadaha oo ah waddo muhiim u ah Degmooyinka Yaaqshiid, Dayniile iyo Hiliwaa. – Somali Weyn News

Leave a Reply