Madaxweyne Qoor-Qoor Oo Magacaabay Guddoomiyaasha Maxkamadaha Racfaanka Iyo Gobolada Gamudug

 

13-10-2020

 

DHUUSAMAREEB – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa lagu magacaabay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Maxkamadaha Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo Ku-xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah;

1) Saciid Cabdiraxmaan Shiikh: Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Galgaduud

2) Maxamed Cabdi Kadiye: Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

3) Jimcaale Cali Salaad: Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug.

4) Cabdirisaaq Cali Yusuf: Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug.

5) Cabdullaahi Cali Cumar: Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug.

6) Cabdixakiin Maxamed Xirsi: Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday baahida deg dega ah ee loo qabo dhisidda Hay’adda Garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka. – Radio Muqdisho

Leave a Reply