Kulamo Looga Soo Horjeedo Gudoomiye Gacal Oo Dhuusamareeb Ka Socda

 

13-10-2020

 

DHUUSAMAREEB – Kulamo looga soo horjeedo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug sidda ay Risaala u xaqiijiyeen xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay tilaabo uu gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug uu ka qaaday xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanno ka careysan warqad uu soosaaray Guddoomiyahooda Maxamed Nuur Gacal isla markaana uu shaqada uga joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Calasow ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii kursiga kula tartamay Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal, islamarkaana hadda ah Wasiir Dowladaha Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu kamid ahaa xildhibaano si weyn uga soo horjeeday gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay waday olole ka dhan ah in xilka laga tuuro. – Radio Risaala

Leave a Reply