Iska Horimaad Caawa Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid

 

13-10-2020

 

Muqdisho – Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga ayaa caawa ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Iska horimaadkan ayaa daba socdo israsaaseyn gelinkii dambe ee maanta Isgoyska Towfiiq ku dhex martay askar katirsan Militariga iyo Ciidamada Booliska, oo halkaasi ka waday baaritaano.

Iska horimaadka ayaa istaagay markii labada ciidan la soo kala dhex galay, xaaladda ayaana markii dambe mid caadiya ku soo laabatay.

Inta laga warqabo laba askari oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay iska horimaadkaasi, halka saddex qof oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo Saraakiisha laamaha ammaanka ayaan wax wara ka soo saarin iska horimaadka caawa ka dhacay Isgoyska Towfiiq.

Maanta ayay ahayd markii askar ka kala tirsan Booliska iyo Militariga uu iska horimaad ku dhex maray Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Xaawo-Casir. Iska horimaadka ayaa salka ku haya muran ka dhashay lahaanshiyaha dhuleed, waxaana ku dhintay wiil caseeye/baalashle ahaa, iyadoo qof kalana uu ku dhaawacmay. – Universal TV Somali

Leave a Reply