Wasaaradda Horumarinta Biyaha Oo Sheegtay Inay Dib U Dayactirtay 8 Ceel Biyood 0o Gobolka Sool Ku Yaala

 

12/10/2020

 

Laascaanood (SOLNA) – Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Sool Axmed Maxamud Xirsi oo la hadlay warbaahinta dadweynaha ee dawladu gacanta ku hayso ayaa ka warbixiyey hawlgalo lagu kicinayay ceel biyoodyo ku yaala gobolkaasi oo wasaaradiisu ku hawlanayd.

Isu-duwaha wasaaradda horumarinta biyuhu waxa uu xusay in guud ahaan Gobolka Sool ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgalisay 58 ceel. Waxa uu Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyuhu sheegay inay dhamaystireen dib u hagaajin iyo qalabayn dhamaystiran oo ay ku sameeyeen 8 ceel biyood oo ku yaala deegaano katirsan gobolkaas, kuwaas oo ay wasaarad ahaan iskaashi kala yeesheen qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah.

Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Sool Axmed Maxamud Xirsi waxa uu dhanka kale sheegay inuu heer gabo gabo ah marayo Dhismaha Xafiiskii Guud ee Wasaaradiisu ku yeelanayso Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Leave a Reply