Amaanka Degmada Buulaburte Iyo Sidii Go’doonka Looga Saari Lahaa Oo Laga Shiray

 

12-10-2020

 

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Maxamuud Tareedishe iyo Taliyaha Guutada 5-aad Korneel Maxamuud Xasan Ibraahin Baakaay ayaa maanta kulan looga hadlayay amaanka guud ee Degmada Buulaburte la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Taliyeyaasha qeybta 27-aad iyo guutada 5-aad ayaa Sarakiisha Amniga

Degmada Buulaburte kala hadlay xaalada amaan ee degmadaasi iyo waliba sidii go’doonka looga saari lahaa Buulaburte oo muddo 7 sanno ah ku jirta xaalad go’doon ah oo ay galiyeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Degmada Buulaburte oo dhacda Bartamaha Gobolka Hiiraan ayaa ah degmo istaraatiiji ah, waxaana kulanka maanta la sheegay in leesla meel dhigay xaqiijinta amaanka guud ee degmada iyo sidii loo furi lahaa wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte. – Hiiraan Online

 

Leave a Reply