Banaanbax Maanta Ka Dhacay Magaalada Beledweyne

 

11-10-2020

 

Beledweyne – Wararka ka imanaaya Magaalaada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheega in halkaas maanta uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo qaabka hataan loo wado Dhismaha Mamaulka Hirshabeelle.

Dadka banaan baxa dhigaya oo iskaga kala yimid xafadaha kala duwan ee magaaladaasi, ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ku diidanyihiin Mamaulka Hirshabeelle, waxaana ay shegeen in ay ka baxeen laga bilaabo maanta magaca Maamulka Hirshabeelle madaama sida ay tilmaameen Gobolka Hiiraan lagu dulmiyey awood qeybsiga mamaulka.

Bannaan-baxayaasha ayaa waxaa ay socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee Beleweyne.

Maamulka Hirshabeelle ayaan weli wax war ah ka soo saarin arrintan ay uga soo horjeesteen iyo eedaymaha ay tabanayaan inta badan dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. – Radio Kulmiye

Leave a Reply