Xaalad Adag Oo Ka Jirta Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay

 

10-10-2020

 

Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad adag oo nololeyd ay ka jirto degmadaasi, kadib markii ay Shabaabku kordhiyeen go’doominta ay ku hayaan.

Tan iyo markii Ururka Al Shabaab lagala wareegay gacan ku haynta Degmada Diinsoor, bishii Luulyo ee sanadkii 2015 ayay mudadaasi go’doomin ku hayeen degmadaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxay xilligaan dhooban yihiin dhammaanba wadooyinka soo gala Degmada Diinsoor, waxaana adag inay degmada yimaadaan gaadiidka xamuulka sida.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay gaari dameeradii, sida qarsoodiga ah raashiinka ku keeni jiray degmadaasi, mar haddii Shabaabku ku sugan yihiin waddo kasta oo soo gasha.

Cali Aadan Mursal oo kamid ah bulshada deegaanka ayaa Universal TV u sheegay in degmada uu ka jiro sicir barar daran, isla-markaana uu gabaabsi ku yahay raashiinka iyo shidaalkaba.

Cali Aadan ayaa xusay haddii aan gurmad lala soo gaarin dadka Reer Diinsoor amaba aan la furin wadooyinka xiran in mar dhow la maqli doono dad baa macluul ugu dhintay halkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor, Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa dhankiisa qiray in xaalad adag ay ka jirto degmadaasi, inkastoo sida uu sheegay ay ku hawlan yihiin, wax ka qabashadeeda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo Arbacadii Magaalada Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada ayaa ka dalbaday in la qaado hawlgal lagu furaayo dhulka go’doonsan. – Universal TV Somali

Leave a Reply