Kenya: Ciidamadeena Rasaas Ayay La Beegsan Doonaan Kuwa Soomaaliya… (Hanjabaad Kulul)

 

10/10/2020

 

Golaha Amniga Qaranka dalka Kenya oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa digniin iyo hanjaad loogu diray Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sidda uu daabacay wargeyska lagu magacaabo African Intelligence.

2-dii Oktoober ayaa digniinta iyo hanjabaada waxaa soo gaarsiiyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo.

Dowlada Kenya ayaa Soomalaiya uga digtay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaan kuwa Soomaaliya, haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal.

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda daba-yaaqadii Sebteember, markaasi oo iska hor-imaad kooban uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamada labada dal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidanka Kenya ku amray ciidamada Kenya in uu caddeeyo in Kenya ay ka go’an tahay inay tallaabo qaado, haddii rabsho kale ay ka dhacdo xuduudda.

Dhanka kale xiisadda labada dal ayaa ka dhalatay markii Ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen shacab banaanbaxayay oo ku sugnaa Degmada Beledxaawo ka dibmarkii Kenya ay afduubatay dad Shacab ah. – Somali Weyn News

Leave a Reply