09/10/2020
Casharka afka hooyo | Sawir: YVONNE ÅSELL / SVD / TT
War laga soo xigtay Raadiyaha Iswidhen, Laantiisa Afka Soomaaliga waxaa uu sheegayaa in Xisbiga Kristdemokraterna ee marka lasoo gaabiyo noqonayo KD, in uu rabo in gebi ahaanba la joojiyo casharada afafka hooyo ee laga dhigo guud ahaan dugsiyada dalka Iswidhen; uuna ku jiro Afka Soomaaliga.
Warka wuxuu ku darayaa in Golaha Xisbiga KD uu maantadan (9-ka Oktoobar, 2020-ka) uu ka wada-hadli doono sidii loo joojin lahaa Casharada Afafka Hooyo ee laga dhigo Dugsiyada Dalka Iswidhen, saa wuxuu u arkaahe inaan Faa’iidada Casharada Afafka Hooyo lagu caddeyn karin cilmi-baarista.
Isha: Radio Sweden, Somali Section