Khayre Oo Kulamo Siyaasadeed Ka Bilaaabay Dalka Kenya

 

09-10-2020

 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo soo dhoweyn loogu sameeyey.

Khayre ayaa isla xalay kulamo kala duwan ka bilaabay magaalada Nairobi, kuwaas oo ku aadan ololihiisa doorashada ee 2020 illaa 2021-ka.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu la kulmo xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa horey booqasho ugu tegay dalka Jabuuti, isaga oo kulan gaar ah la qaatay madaxweyanaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Gelle, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidoo kale doorashooyinka 2020/2021. – Radio Shabelle

Leave a Reply