Howlgal Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Looga Dhawaaqay Gobolka Gedo

 

09-10-2020

 

Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo laga fulinayo degaano katirsan gobolkaas.

Taliyaha Ciidanka Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke oo uu wehlinayay Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Degmada Doolow ayaa waxaa ay gaareen Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyaga oo diyaarinaya howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda noocyadooda kala duwan ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo la isugu furayo Magaalooyinka Gobolka Gedo.

Degaanada iyo degmooyinka Gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shababa, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegaan inay howlgallo fulin doonaan. – Radio Risaala

Leave a Reply