Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga Ah Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Oo Kulan Ku Qabtay Magaaladda Hargeysa

 

09/10/2020

 

Hargeysa – Kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka oo lagaga hadlaayey saamaynta hab raaca gurmadka aafooyinka ayaa lagu qabtay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa kulankan kasoo qayb galay, kana qayb qaadanaayey Hay’addaha ay wada shaqaynta lee yihiin Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland, hay’addaha Maxaliga ah iyo kuwa kale ee ay wada shaqaynta lee yihiin Hay’addan, waxaana ugu horeyn kulankaasi ka hadlay Sharmarke Cabdi Muuse oo ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka, waxaanu ka hadlay muhiimadda kulankan iyo waxyaalaha lagaga hadli doono.

Waxa sidoo kale goobta ka hadlay Masuul ka socday Hay’adda UNDP iyo Guddoomiyaha Koomiishanka Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali oo ka hadlay muhiimadda iyo faa’iidooyinka uu Hay’addaha caalamiga ah u lee yahay kulankani, waxaanu Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka ku amaanay sida ay Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka ugu xoogan tahay ka gurmadka dhinaca dhibaatooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed oo isna goobta ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyadda uu kulankani lee yahay, isaga oo sheegay in kulankani lagu samayn doono qaab lagu maareeyo marka ay dhibaatooyin ay yimaadaan, waxaanu kasoo qayb galeyaasha ku dhiirigeliyey in ay kulankan ka faa’iidaystaan. – SOLNA

 

Leave a Reply