Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Bam Lagu Weeraray Goob Ganacsi Oo Ku Taal Magaalada Kismaayo

 

09-10-2020

 

Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira weerar bambaano oo xalay lagu qaaday goob ganacsi oo ku taal xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Bombaanooyin lagu tuuray goobtan ganacsi ay ku dhinteen labo ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbland ayaa waxaa ka dhaca weeararada loo adeegsado bam gacmeedyada ee lagu qaadp goobaha ganacsiga.

Dhowaan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay weerar ismiidaamin ah kaasoo lagu diley guddoomiyihii rugta ganacsiga ee Jubbaland.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya iyadoo dhowaan ciidamada maamulka Jubbaland ay gacanta ku dhigeen shabakad ka kooban dhalinyaro geysta weerarada bam gacmeedka. – Jowhar News

Leave a Reply