Waxaa Magaalada Jig-jiga Ku Geeriyooday Marxuum Prof. Cali Khaliif Galeydh Oo Ahaa Siyaasi Rugcadaa Ah

 

08/10/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, Arrimaha Dibadda Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Ergda Hawlaha Nabadaynta ah ka wada Degaanka Adhi-cadeeye ee Gobolka Sool, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Cali Khaliif Galeydh.

Marxuunka ayaa ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee xarunta Dawlad Degaanka Somaalida Itoobiya oo uu maal-mihii u dambeeyay ku sugnaa.

Wasiirada wasaaradaha warfaafinta iyo arrimaha dibadda Somaliland, ayaa Marxuunka ku sifeeyay halyey ka baxay Qaranka Somaliland, kaalina weyna ku lahaa marxaladihii kala duwnaa ee Qaranimada Somaliland soo martay, waxaanay Alle uga baryeen inuu Marxuumka Jannadii Fardawsa ka waraabiyo.

Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Cali Khaliif Galeydh wuxuu ahaa siyaasi rugcadaa ahaa oo muddo dheer ku soo jiray saaxadda siyaasadda Soomaalida.

Leave a Reply