Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Halka Lagu Aasayo Marxuum Cali Khaliif

 

08-10-2020

 

Waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayan halka lagu aasi doono Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaali Galbeed.

Madaxweynaah Maamulka Soomaali Galbeed Mustafa Cagjar ayaa sheegay in uu guddi u saari doono aaska Marxuumka, kuwaas oo ka shaqayn doona halka lagu aasayo, waxaana la sheegayaa in ay u badan tahay in Magaalaad Muqdisho lagu aasi doono.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Marxuumka loo sameynayo aas qaran, Muqdishana loo soo qaadi doono maydkiisa. – Radio Dalsan

Leave a Reply