08-10-2020
Wararka aynu ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay qarax geystey qasaaro kala duwan.
Qaraxani ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda, waxaana la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray ciidamada & dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa.
Goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxa kadib joojiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay mudo kooban kadibna ay fasaxeen.
Qaraxyada ka dhacay Degmada Afgooye ayaa noqdey kuwo soo noqnoqda walow kolka uu qaraxu dhaco ay ciidamada halkaasi ku sugan ay soo qabqabtaan dad u badan dhalinyaro aan waxba galabsan. – Daafeet News