Wararkii U Dambeeyay Ee Deegaanka Basra Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

 

07-10-2020

 

Xaalada deegaanka Basra iyo nawaaxigeeda ayaa saaka degen kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen iskahorimaadyo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada dowlada ayaa la wareegay deegaano ay ka mid yihiin Basra, Walamoy, Daniga, Buulo Kuunto iyo qaar kale oo hore ay fariisimo ugu lahaayeen ururka Alshabaab.

Ugu yaraan konton gaadiidka rakaabka qaada oo ku xayirneyd deegaanka Daniga Baalow kuna sii jeeday deegaano k mid ah Gobolada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, iyo Gobolka Hiiraan ayaa saaka la fasaxay kadib markii xiisada colaada ay yaraatay.

Sida ay sheegeen dadka rakaabka ah oo qaarkood la hadlay jowhar.com ma jirin wax gaadiid rakaab ay saarnaayeen oo ku qarxay deegaanad ku yaal Galbeedka Degmada Balcad.

Ciidamada dowlada ayaa haatan wada isku ballaarin ay ku doonayaan inay kula wareegaan dhamaan deegaanada ay hore ugu sugnaayeen dagaalamayaasha AlShabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka ee ku aadan dagaalada ka soo cusboonaaday Deegaanka Basra iyo nawaaxigeeda oo ay muddooyinkii u dambeeyay ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Alshabaab.

Ururka Alshabaab ayaa dhaqaale badan ka soo geli jirey Deegaanka Basra, iyagoo lacago ka qaadi jirey beeralayda iyo weliba gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Gobolada Dhexe ee dalka. – Jowhar News

Leave a Reply