Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Qaabilay Safiirada Dalalka Nordiga U Jooga Soomaaliya

 

07-10-2020

 

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka Nordiga ee kala ah Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland u jooga Soomaaliya isagoo kala hadlay arrimaha amniga doorashooyinka iyo dowlad wanaaga .

Kulankaan diiradda lagu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, dowlad wanaagga, cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya, waxaana ku wehlinayay Ra’isul Wasaarahii hore ee dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo masuuliyiin kale.

Leave a Reply