Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

 

07-10-2020

 

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa tiro hoobiyeyaal ah oo habeenkii xalay dagaalamayaal katirsan Al-shabab ay ku weerareen Garoonka Diyaarada Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaafiicda ku dhacday gudaha iyo hareeraha garoonka ayaa lagu sheegay iney gaarayeen ilaa 5 hoobiye, waxaana inta la xaqiijiyey madaafiicdaas uu dhaacwac kasoo gaaray labo ruux oo shcab ah.

Ciidamada AMISOM ee Jabuuti iyo Itoobiya ee ku sugan garoonka diyaaraha ayaa saaka howlgallo ka wada Duleedka Garoonka Diyaarada Dhuusamareeb, iyagoo baadi goobayo raggii xalay weerarka geystay.

Al-shabab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan waxaa ay kusoo qaadeen Garoonka Diyaarada Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta badan ay iska cabin kala kulmaan Ciidanka AMISOM ee ilaaliyo garoonka. – Goobjoog News

Leave a Reply