Faah Faahin:-Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ka Fulisay Kenya

 

07-10-2020

 

Wararka aan ka heleyno Koonfurta Magaalada Mandheera ee Xarunta Gobolka Waqooyi Barre ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo saarnaayeen dad farabadan.

Rag hubeysan oo katirsan Al-shabaab ayaa gaarigaas weeraray xili uu mararay deegaan lagu magacaabo Qutilow oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Mandheera, waxaana gaarigaas uu kusii jeeday Magaalada Nairobi.

Khasaaro ayaa ka dhashay weerarka lagu qaaday gaariga Baska ahaa, waxaana ku dhaawacmay 8 ruux oo kamid ahaa dadkii la socday gaariga, iyadoona 4 kamid ah dadkaas ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dad ku sugan deegaanka Qutilow ee Koonfurta Mandheera ayaa gurmad u sameeyay dadka waxyeelada soo gaartay, isla markaana waxaa dhaawacyada loo soo qaaday Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Dowladda Kenya ayaa lagu warramay inay tageen goobta uu weerarka ka dhacay, iyagoona halkaas ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyay falkaas oo goor hore goobta ka baxsaday.

Al-shabaab ayaa marar farabadan weeraro geystay khaasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kana fulisay gudaha Kenya iyo deegaano katirsan dalkaas, waxaana Shabaabka weeraro ka dhacay duleedka Mandheera ku dileen Askar Kenyaati ah. – Radio Dalsan

Leave a Reply