Banaanbax Xoog Leh Oo Maanta Ka Dhacay Afgooye

 

07-10-2020

 

Banaanbax xoog leh ayaa maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo looga soo hor jeeday amar ka soo baxay maamulka degmadaas.

Dadkan ayaa kasoo horjeestay amar ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye, kaas oo ah in laga guuro mid kamid ah xaafadaha Degmada Afgooye, sida ay warbaahinta u sheegeen dadkii banaanbaxa dhigayey.

Xaafadda Imbagaati oo kamid ah xaafadaha waaweyn ee degmada Afgooye ayaa la sheegay in maamulku dadkii deganaa uu ku war-geliyay inay baneeyaan.

Dad shacab ah oo isaga kala yimid xaafadaha degmada ayaa dibadbaxaan ka dhigay bartamaha magaalada, iyagoo hakad geliyey isu-socodkii gaadiidka, sidoo kale inta badan goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa maanta la xiray.

Dadka qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulku ku war-geliyay in xaafadaas uu qof shakhsi ah leeyahay, sidaas darteedna ay isaga guuraan, iyagoo ku cabtay in aysan awoodin taas. – Radio Kulmiye

Leave a Reply