Mareykanka Oo Soo Masaafuriyey Muwaadin Soomaali Ah+Sababta

 

19-09-2020

 

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in dalkeeda ay ka soo masaafurisay nin ka soo jeeda Soomaaliya oo la sheegay inuu taageero siin jiray Xarakada Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ninkaasi uu gacan saar la lahaa Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Waaxda Socdaalka ee dalka Mareykanka ayaa xustay in sharciga dalkooda ay ka qaadeen shaqsigaasi oo sanadkii 2016-kii ay maxkamad ku taala dalkaasi ku eedeeysay inuu si weyn u caawin jiray Al-Shabaab.

Mahdi Maxamed Xaashi oo 31 ayey Hay,adda Socdaalka markii ugu horeysay ku qabatay Magaalada Chicago ee dalkaasi, kadibna dacwad lagu soo oogay.

Intii u dhexeysay sanadihii 2008 iyo 2012 ayaa Xaashi lagu eedeeyay in uu ahaa xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo markii dambe loo gacan geliyey Dowladda Mareykanka oo geysay Maxkamad Heer Degmo ah oo ku taala Magaalada New York.

Ninkaasi ayaa markii dambe qirtay in Al-Shabaab uu siin jiray taageero agab, iyadoo sanadkii 2016 maxkamad ku taala dalkaasi ay ku riday xakun xabsi oo 9 sano ah.

Booliiska dalka Mareykanka ayaa marar badan gacanta ugu dhigay dhalinyaro ka soo jeeda SoomAaliya oo lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen Daacish iyo Al-Shabaab. – Radio Shabelle

Leave a Reply