Maleeshiyada Al-Shabaab Oo Ka Cararay Deegaan Ay Ku Baxeen Ciidanka Xoogga Dalka

 

19-09-2020

 

Dhuusamareeb (SONNA)- Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 21-aad, gaar aaan Guutada 15-aad ayaa dagaal qorsheysan waxay ku qaadeen deegaanka Miir-dugul oo duleedka koonfur kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Ciidanka Xoogga ayaa ku baxay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dad shacab ah ku dhibaateynaya deegaankaas, halkaas waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo ugu danmbeyn qasbay iney argagixisada isaga cararaan deegaanka.

Ciidamo katirsan Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad oo howlgalkan fuliyay ayaa ku sugan aagii lagu dagaalamey, waxaana goobta isaga baxsadey Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan.

Leave a Reply