Farmaajo Oo Guuldarradiisa Iyo Dib U Celintiisa Dalka U Saariyey Dad Aan Ku Shaqo Laheyn

 

19-09-2020

 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo loo sameeyey madaxdii ka qeyb gashay kulankii wadatashiga arrimaha doorashada ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa marmarsiyo u raadiyey fashilkiisa siyaasadeed iyo inuu qaatay doorashadii 2016-kii, dalkana uu 4 sano dib u celiyey, isaga oo iska dhigay odey u tanaasula danta guud, iskana dhiiba wixii lagula dhego.

Khudbaddan, Farmaajo kama hadlin guul-darrada rasmiga ah ee keentay in dalka uu dib ugu laabto 2016-kii, mas’uul cidda ka ah, ma qiran in aanu diyaar garow sax ah la iman isaga oo isla khudbadda kula taliyey cidda iman doonta 2021-ka iney horay Roadmap ka dejiyaan.

Farmaajo kama hadlin raadka xun ee ka dhashay dagaalladii uu ku qaaday habka federaalka ah iyo maamullada dhisan iney sabab u aheyd in wax la qaban waayo, waxaa uu qariyey in sharciyada ay dib u dhaceen ansixintooda markii uu riday Jawaari, iskuna dira labada aqal.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobbada Uu Farmaajo Ka Hadlay:

“Samareeb3 meel fog ayey iga soo kaxeeyeen, waxaa ay i keeneen meel dhexe, waxaan is iraahdaa ma wax ay ku heshiiyeenbaa oo la yidhi raga kale maqnaada, ninkan odayga ah oo madaxweynaha ah afar sano waxaa uu ku qar waayey oo umadda u sheegaayey qof iyo cod, hal mar ma oran karno ha lagu noqdo mid dadbane, annaga ayaa soo dhoweynaynee, adinku nasuga arrintaas waxaa ay u baahan tahay baaris”.

Farmaajo oo sii hadlaya: “Maxaa yeelay markii aan halkaas isugu tagnay waxaan iri, walaalayaalow qol gala adinku xal ii keena, xal umadda Soomaaliyeed u qalmi kara oo wanaagsan oo macquul ah ii keena, waxaa ay iga maqnaayeen 7 saacadood waa ay igu soo noqdeen waxaa ay ii keeneen heshiiskii kasoo baxay Samareeb3, runtii waan ka naxay, waana ku farxay, waxaan ogahay labada kale oo maqan in ay meel fog ka hadlayaan, waxaan iri bal intaan orod ku qaado bal.”

Imaanshiyaha halkaan ay yimaadeen sidii oo kale ayaan sameeyey waxaan iri qol taga 5-tiina fariista ii keena wax umadda Soomaaliyeed ay ku qanacdo oo sharci iyo dastuur ku dhisan, aniga raggii aan moodaayey in ay ila socdeen iyaga ayaaba ugu horeeyeyba, taas ayaa waxaa ay igu abuurtay shaki u baahan in la baaro, waxay ii keeneen wixii aan soo saarnay ileen iyagu waa iga xishoonayeen3-dii hore 2-daas nin ayey rabeen in ay u hadlaan calaa kuli iyo xaal howshaas waxaa ay ku dhammaatay wixii soo baxay” ayuu yiri Farmaajo.

Xigasho: Goobjoog News

Leave a Reply