Shil Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay DDS

 

18/09/2020

 

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku geeriyootay halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii shil gaari uu maanta ka dhacay Duleedka Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Shilka ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah, kaas oo ka yimid magaalo lagu magacaabo Fiiq, kuna wajahnaa Magaalada Jigjiga.

Shanta qof ah ee shilka ku geeriyootay ayaa waxaa ay isugu jireen rag iyo dumar, waxaaana kamid ahayd haweenay xaamilo ahayd iyo cunug yar.

Sidoo kale waxaa dhintay Saygeedii oo ay wada socdeen iyo wadihii gaariga.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa waxaa la soo gaarsiiyay Magaalada Jigjiga, halkaasi oo hadda lagu dabiibayo. – Radio Kulmiye

Leave a Reply