Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb Galay Arday Ka Qalinjebisay Jaamacadda Abaarso

 

18/09/2020

 

HARGEYSA, Somaliland (SOLNA) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay ka qayb galay Xaflada Qalin Jebinta Dufcadii 8aad ee ka baxda Jaamacada Abaarso, ardaydaas oo tiradoodu gaadhaysay 200 oo arday; kuwaasi oo ka qalin jebiyey Kulliyadaha kala duwan Jaamacada.

Madaxweyne ku-xigeenka oo halkaas ka hadlay ayaa ugu horayn Hambalyo iyo Duco u diray dhammaanba ardayda ka qalin jabisay jaamacada. Sidoo kalena wuxuu maamulka, macalimiinta iyo waalidiintii ardayda uga mahadnaqay dedaalkii ay soo geliyeen ardaydan, waxaanu Madaxweyne ku xigeenku ardaydan ka qalin jebisay Jaamacadda Abaarso kula dardaarmay inay dedaalkooda waxbarasho sii wadaan qarankoodana u shaqeeyaan.

Ugu Danbayntiina, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii qalin jebisay, waxaanay ardaydani ka qalin jebiyeen kuuliyaddaha jaamacaddaasi ee lagu barto waxbarashada jaamacadda ee heerka kowaad ee Degree-ga iyo heerka labaad ee Master-ta.

Leave a Reply