Muqdisho: Heshiis Laga Gaaray Shirkii Wada-tashiga Doorashada

 

17-09-2020

 

Madaxweynaha dawladda federaalka, iyo shanta madaxweyne ee maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyey qodobo cusub oo la xiriira doorashada la filayo in Soomaaliya lagu qabto.

Madaxda ayaa ku heshiiyey in dawladda federaalka ay magacawdo guddo doorasho oo heer federal ah, halka madaxda maamul goboleedyadu ka magacaabayaan guddi doorasho oo heer gobol ah, waxaana labada guddi ay ka wada shaqayn doonaan maamulka doorashooyinka.

Madaxda ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ergooyinka soo dooranaya xildhibana kasta ay ahaadaan 101 halka heshiiskii hore ee Dhuusamareeb uu ka ahaa 301 ergo.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in doorashooyinka lagu qabto laba magaalo oo katirsan maamul goboleed kasta, halkii ay horey uga ahayd 4 goobood.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in qorshaha doorashadu uu bilowdo 1-da bisha Noofambr ee soo socota.

Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb.

Qodobada heshiiska oo buxa ayaa sidan u qoran:

1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.

2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.

3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.

4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.

8. In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.

10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

11. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaa.

12. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.

13. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.

14. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.

15. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply