Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaad Labo Bil Kadib Magacaabay Raysal Wasaare

 

17-09-2020

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay raysal wasaare kadib muddo ku dhow labo billood oo dowlada federalka ku shaqeynaysay xukuumad kumeel gaar ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkaan u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geliso doorasho, dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo musuqmaasuqa.

Magacaabiddan ayaa kusoo beegantay saacaddo kadib markii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii arimaha doorashada, iyadoo loo maleynayo in magacaabiddiisu qeyb ka ahayd heshiiska Muqdisho lagu gaaray. – Hiiraan Online

 

Leave a Reply