Macalimiin Dugsi Qur’aan Oo Lagu Dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe

 

17-09-2020

 

Wararka laga helayo Demada Cadale Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in 5 Macalin Dugsi Qur’aan la dilay, iyaga oo xilligaas ku jiray Subac ama Qur’aan Akhris.

Weerarka lagu dilay Macalimiinta ayaa dhacay aroornimadii hore ee saaka, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dabley hubeysan oo aan la aqoonsan cida ay katirsan yihiin ayaa la sheegaya inay dilka geysteen, kana baxsadeen goobta.

Shanta Macalin Qur’aan ayaa Salaada subax ka hor bilaabay Subaca, Salaada kadibna markale oo ay u laabteen ay Dableydan dileen, mana jirto cid ka hadashay ilaa hadda.

Halkaan hoose ka aqriso Magacyada Macalimiinta

1) Sheekh Daahir Xasan Cali

2) Macalin Maxamuud Canbuure

3) Macalin Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe

4) Macalin Mukhtaar C/laahi Cilmi

5) Ow Muxumud Xasan Cali.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply