Cali Guudlaawe Oo Amray In La Soo Qabto Dadkii Ka Dambeeyay Dilka Shanta Macalin

 

17-09-2020

 

Kadib kulan dhex-maray Madaxweyne Kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha Gobolka iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayuu ku amray inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Macalimiinta, si cadaaladda loo marsiiyo.

”Waxaan u tacsiyadeynayaa Ehellada iyo Qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii saaka lagu dilay deegaan katirsan Degmada Raage Ceelle,

waxaana amrayaa Guddoomiyaha Gobolka & Taliyeyaasha Ciidamada in dadka dilka geystay, si deg deg ah loo soo qabto ayuu yiri” Cali Guudlaawe.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Tareedishe iyo Taliyaha Qeybta Booliska Col. Xasan Dhicisow iyo Saraakiil kale ayaa u ambabaxay deegaankii dadka lagu dilay oo u dhaxeeya Degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. – Radio Risaala

Leave a Reply