Madaxweynaha Galmudug Oo Maanta Hortagaya Golaha Aqalka Sare Ee Barlamaanka

 

15-09-2020

 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta oo Talaada ah hortagaya Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa xubnaha aqalka sare la wadaagi doona xaaladaha Galmudug , safaro uu ku kala tagay magaalooyinka Jabuut, iyo Nairobi.

Waxa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug khudbadiisa uu ku soo hadal qaadi doona wada-hadallada Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka. – Goobjoog News

Leave a Reply