Booliska Kenya Oo Xabsiga Dhigay Duqii Gaarisa Cali Bunow Qorane Iyo Xubno Kale

 

14/09/2020

 

Ciidamada Booliska Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Magaalada Gaarisa, Cali Bunow Qorane iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Gaarisa.

Cali Bunow Qorane ayaa loo heystaa falal la xariira musuq-maasuq, iyadoo lagu eedeeyay in maamulkiisu uu lunsaday lacag badan.

Malaayiin Shilinka Kenya ah oo uu Bangiga Aduunka ugu deeqay in lagu hor-mariyo dadka reer Gaarisa ayaa loo heystaa inay lunsadeen Cali Bunow Qorane iyo xubno ka mid ah maamulka uu hoggaamiyo ee Degmada Gaarisa.

Madaxa xafiiska dacwad soo oogaha Kenya Nuura-diin Xaaji oo ah Soomaali-Kenyaan kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa eedaan u soo jeediyey Cali Bunow iyo xubnaha kale ee maanta xabsiga loo taxaabay. – Radio Kulmiye

Leave a Reply