Wiil Dhalinyaro Dhowaan Ka Qalin Jebiyay Jaamacad Oo Lagu Dilay Muqdisho

 

06-09-2020

 

Koox burcad ah ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku dishay wiil dhalinyaro ah oo dhowaan ka qalin jebiyay mid ka mid ah jaamadacadaha ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan dilkan ayaa xalay ka dhacay xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir, waxaana wiilka dhalinyarada ee la dilay lagu magacaabayay Axmed Xuseen Nuur (Axmed Keyse).

Wararka ayaa sheegaya in loo dilay Mobile uu watay dartiis, oo ay ka dhaceen kooxdii burcada aheyd, kuwaasoo markii ay toogteen kaddib goobta ka baxsaday, kana qaatay mobile-kii uu watay.

Allaha u naxariistee Axmed Keyse ayaa dhowaan difaacday buugga qalin jebintiisa, waxaana eheladiisa iyo asxaabtiisa aad uga naxeen dilkiisa, maadaama uu ahaa wiil mustaqbal leh.

Wiilkan ayaa dhowaan baraha bulshada ku soo bandhigay sawirro dabaal degga guushiisa iyo buuggiisa uu difaacday. – Jowhar News

Leave a Reply