Ciidanka XGD Oo Dhaq-dhaqaaq Ciidan Ka Wada Deeganka Dhagaxley

 

06-09-2020

 

Ciidamada Kumaandooska Danab, XGD Qeybta 21 aad iyo Dadka Deegaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug ayaa dhaq-dhaq ciidan ka wada Deegaanka Dhagaxleey oo qiyaastii 20 km ujirta Degmada Gaalkacyo.

Ciidanka Xoogga Dalka ee Kumaandooska Danab oo kaashanayo dadka deegaanka ayaa dadaal ugu jiro sidii ay argagixisadu ugala wareegi lahaayeen goobaha ay kaga sugan yahiin Gobolka Mudug.

Firdhadka kooxda nabad diidka ayaa ka cararay Degaanka Dhagaxley kadib markii ay ka war heleen in ay ku soo wajahan yahiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deeganka. – Radio Muqdisho

Leave a Reply