Maxay Ka Wada Hadleen Xasan Sheekh & Ambassador Donald Yamamoto?

 

02-09-2020

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Safirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arimaha Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaah Doorashooyinka Somaaliya ee sanadka 2021 , iyada oo lagu guda jiro xilli kala guur ah.

Safirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu hor boodayay Siyaasadda Soomaaliya, isaga oo mid mid ula kulmayay Saamileyda Siyaasadeed ee Dalka.

Ambassador Donald Yamamoto ayaa shalay Muqdisho waxaa uu kula kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, isaga oo kala hadlay arrimo la xiriira xaalada dalka iyo kulanka ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya. – Radio Risaala

 

Leave a Reply