Wabiga Shabeelle Oo Fatahaad Ka Sameeyay Beledweyne

 

21-08-2020

 

 

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay uu Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka geystay xaafado ka tirsan magaaladaas.

Meelaha uu wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah Laanta Dhagax jibis oo ka mid ah Kamaaha Xaafada Xaawo-Taako, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in tiradii ugu badnayd ee qoysaski daganaa ay saakay isaga barakaceen, iyaga oo ka cabsi qaba in uu saameeyo fatahaada.

Qoysaaska ka barakacay guryahoda ayaa warbahinta u sheegay in biyaha ugu badan oo ay ka barakacayaan ay tahay biyo ka yimid dhanka iyo kiliga Dhagax Jibis, waxaana kiliga u ka mid yahay goobaha aanan lagu sameen biyo xireenka. – Radio Risaala

Leave a Reply