Garsooreyaal Maanta La Magacaabay

 

9 Agoosto, 2018

Muqdisho (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu maanta soo saaray wareegto isla wareegtadaasina uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare.

Warka wuxuu ku daray in Garsooreyaasha la magacaabay ay yihiin kuwa soo socdo: 1. Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, 2. Garsoore Maxamed Cumar Axmed, 3. Garsoore Cabdalle Macalin Maxamed, 4. Garsoore Xaydar Barqash Abukar, iyo 5. Garsoore Axmed Cali Muuse.

Wareegtada maanta soo baxday, waxaa kale ee xilalkoodi Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare looga qaaday kuwa soo socdo: 1. Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir, 2. Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed, 3. Mudane Maxamuud Axmed Faarax, 4. Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed, 5. Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed, iyo 6. Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), waxaa had iyo goor lagala socon karaa wararka xiisah leh.

Leave a Reply