Kooxo Hubeysan Oo Saakay Dil Ka Geystay Xamarjajab

07/08/2018

 

Muqdisho – Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saakay aroortii hore nin da’ahaa ku dilay agagaarka Bunnada Ansalooti degmada Xamarjajab ee G/ Banaadir.

Dilka Marxuumkaasi ayaa la sheegay in ay fuliyeen illaa 2 nin oo ku hubeysnaa Bastoolada, sida ay Shabelle u xaqiijiyeenay ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in raggaasi ay la socdeen Mooto Bajaaj, kadibna ay goobta uga baxsadeen.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsiga la dilay, balse Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo Meydka Marxuumka ka qaaday goobtaasi.

Welina ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ka soo saareen dilkaasi.

Balse dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho. – Shabelle Media Network

Leave a Reply