DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow gilgilay magaalada Muqdisho

14 Luuliyo, 2018

 

Qarax xooggan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa si aad ah looga maqlay magaalada oo dhan.

Uuro iyo qiic ayaa is qabsaday cirka oo laga arkayay meelo badan oo magaalada ka mid ah, waxaana la maqlayay rasaas culus ka hor inta aanu qaraxa dhicin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Beerta Nabada oo ku dhow Koontarool ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii qarax ismiidaamin iyo weerar toos ah lagu qaaday xarunta Otto Otto ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Qaraxan hada dhacay ayaa ku soo aaday, iyadoo saaka ay waddooyinka qaar ay xirnaayeen, xilli uu dhoofayay Madaxweyne Farmaajo. – Jowhar News

Leave a Reply