Taliye Tareedisho Oo Ka Digay Dagaal Beeleedyada G/ Hiiraan

13 Luuliyo, 2018

 

Baladweyne – Maxamed Axmed Tareedisho taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 52-aad ee gobolka Hiiraan ayaa ka digay in ay sii socdaan dagaal Beeleedyada ku soo noq noqday deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Taliye Tareedisho ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka ka dhasha dagaalladaasi.

Waxaana uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka ee Hiiraan in ay dardar galiyaan dadaalada Nabadeed ee lagu xalinayo xiisadaasi.

Sidoo kale taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 52-aad ee gobolka Hiiraan Maxamed Axmed Tareedisho ayaa carabka ku dhuftay in aysan aqabali doonin in markale dagaal Beeleed uu ka dhaco gobolkaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii xabad joojin la kala dhex dhigay Beelo Walaalo ah oo ku dagaalamay nawaaxiga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. – Radio Shabelle

Leave a Reply