Maxaa ka jira in faragalin tii ugu xooganeed lagu hayo Guddiga Dib u eegista Dastuurka

11 Luuliyo, 2018

 

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa si kulul uga hadlay Faragelin uu sheegay in lagu hayo shaqadii loo Igmaday Guddigooda.

Waxa uu sheegay Senatorka in loo Gacan dhaafay Howshii loo xil saartay Guddiga, Isagoo dhinaca kalena sheegay ineysan Jirin Cid wax ka qabaneysa Cabashadooda oo mudooyinkanba soo taagneyd, dhowr jeerna ay Gaarsiiyeen Cida ay quseyso.

Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka labadiisa Aqal, ayaa sidoo kale sheegay ineysan lamid eheyn Xukuumadaha Heer Federal iyo Dowlad Goboleed, balse iyagu ay yihiin Guddi Shaqo loo dirsaday islamar ahaantaasina aaney heysan wixii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Waxa uu ugu danbeyntii sheegay in Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha Guddigooda la soo darsay uu qeyb ka yahay arimo ay eheyd in mar hore xal loo helo oo ka dhashay Shirkii Magaalada Baydhabo ay ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Dowladda Dhexe.

Si Kastaba, Guddigan uu Gudoomiyaha u yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay Caqabado Shaqadooda heysta, iyadoo wali loo dhag raaricin la’yahay. – Somalida Maanta

Leave a Reply