Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Gaaray Dalka Norway

17 Juunyo, 2018

 

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Norway.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa sida Wasiirka Maaliyadda.

Waxaana halkaas ay uga soo qeyb gali doonaan Shir Caalami ah oo looga hadlayo arrimo badan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Abdirxmaan Ducaale Beyle ayaa bartiisa Facebook ku soo daabacay in ay soo bandhigi doonaan Horumarka Somalia ay ka gaartay dhinaca Maaliyadda. – Shabelle Media Network

Leave a Reply