Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka General Cali Baashi oo geeriyooday

14 Juunyo, 2018

 

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cali Baashi Maxamed ayaa ku geeriyooday dalka ingiriiska.Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa tacsi u diray qoyskii eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar. – Jowhar News

Leave a Reply