Denmark iyo Somaliya oo la sheegay inay ku heshiiyeen dib u soo celinta Qaxootiga Somaliyed

14 Juunyo, 2018

 

Minister for Immigration and Integration Inger Støjberg. Photo: Bax Lindhardt/Ritzau Scanpix

 

Heshiiska waxaa uu dhigayey in sanadkiiba 12 qaxooti ah dib loogu celiyo Soomaaliya, heshiiskan oo aan faah-faahin laga heyn ayaa arbacadii shalay aheyd waxaa soo baxday in dib-u-celintii ay bilaabatay, sida uu sheegay TV2.

Haweney ku nool xaafadda Vollsmose ee Odense ayaa u sheegtay TV2 in loogu hanjabay in wiilkeeda laga tarxiili-doono Denmark.

Saynab Iman Shikhow, waxaa ay hooyo u aheyd nin laga soo tarxiilay dalkaas, iyada oo lagu eedeeyay in lagu helay tuugnimmo iyo iibinta daroogada.

Haweeneyda waxaa ay sheegtay in laga soo wacay Soomaaliya oo lagu handaday in wiilkeeda qoorta laga goyn-doono haddii aaney bixin $10,000.

“Raggan hadda ayey in handadayaan…Haddii dib loo celiyo waa u dhammaatay” ayey u sheegtay TV2.

Markii Soomaaliya loosoo tarxiilay bishii Janaayo ayey dowladda Soomaaliya diiday in dalka gudaha u galo, waayo kuma qanacsaneen inuu u dhashay, kadib waxaa dib loogu celiyay Denmark.

Shikhow oo wiilkeeda hadda ku jiro xabsi dalkaasi ah isla markaana uu sugayo in mar 2aad dib loogu soo celiyo ayaa ku doodeysa in wiilkeeda loo dhameyn-doono haddii la geeyo Soomaaliya.

Wasaaradda Socdaalka dalka Denmark waxaa ay sheegtay inuu jiro heshiis dhex-maray dalkeeda iyo Soomaaliya oo arrinkaasi ku saabsan. – Universal Somali TV

Leave a Reply