Kulan taariikhi ah oo dhexmarey Trump iyo Kim

12 Juunyo, 2018

 

Madaxweynaha Mareykanka Donld Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa yeeshey kulankoodii ugu horeeyey abid oo ka dhacay dalka Singapore, subaxnimadan saaka.

Kulankan ayaa ah mid taariikhi ah oo labada hogaamiye ay isku soo hor fadhiisteen ayaga oo dhoolo-cadeynayana ay warbaahinta soo horjoogsadeen.

Waxaa warbixintan kooban nooga diyaariyey, Jaamac Buulle Jaamac.

DHAGEYSO  TRM KIM SUMMIT

Kulanka labada madaxweyne ee Singapore ayaa waxaa uu imanayaa iyada oo labada dal ay in ka badan 70 sano dhextaaley cadaawad soo jireen ah, taas oo saameysay dalka Korea-da Waqooyi.

Gacanka Kuuriya oo laga dhigo goob ka caagan hubka Nukleeyrka ah waa gundhiga wada hadalada iyo hadafka ugu weyn ee la filayo in laga gaaro.

Warbixintan kooban oo dib noo xasuusinaysa taarkiihda xariirka labadan dal waxaa inoo haysa Sahra Cabdi Axmed.

DHAGEYSO SUMMIT HISTORY

Kulanka labad hogaaamiye ayaa yimid ayadoo labada dhinacba ay leeyhiin xulufo wada baal socdo, sida oo kalena muddo aad u dheer ay cadaawad dhex taaley. Maxay tahay waxa laga filan karo kulanka labadan hogaamiye in ay ka soo baxaan.

Sahra Cabdi Axmed ayaa Bare Sare, Cabdi Ismaaciil Samatar ka wareystey.

DHAGEYSO Prof Samatar

Cabdikhafaar Cabdi Wardheere oo ah falanqeeyo arimmaha siyaasadda ka faaloodo ayaa Jaamac Buulle Jaamac uga waramey waxa xigo kulanka labada madaxweyne.

DHAGEYSO WATDHEERE

 

– VOA Somali News

Leave a Reply