Faah Faahin:-Dagaal Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

11 Juunyo, 2018

 

Muqdisho – Dagaalkaan oo u dhexeeyay Ciidamada DF Soomaaliya ee Barta Kontrol ku leh deegaanka Siinkadheer ee duleedka Muqdisho iyo Al Shabaab ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib weerar Al Shabaab ay halkaasi ku ekeeyeen xalay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid xoogan uu socday ku dhawaad muddo 30 Daqiiqo ah iyadoona la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo aan la cayimin.

Kontrolka la weeraray ee deegaanka Siinkadheer ayaa ah Bar ay Ciidamadu ku baaraan Gaadiidka ka yimaada dhinaca Gobolka Shabeelaha Hoose ee ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in uu saameyn ku yeeshay dagaalku kuwaas oo ay la soo daristay Cabsi xoogan marka loo eego Hubka labada dhinaca dagaalkaasi xalay isku weedaarsanayeen.

Dagaalkii xalay kadib ayaa saaka lagu soo warramayaa in uu hakad galay dhaq dhaqaaqii Gaadiidka ee Isticmaali jiray Wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaana la soo warinayaa in Saaka Gaadiid badan ay ku xanniban yihiin Kontrolka deegaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada Muqdisho. – Shabelle Media Network

Leave a Reply