Banaanbax looga soo horjeedo waddooyinka xiran oo ka socda Isgoyska KM4

11 Juunyo, 2018

 

Muqdisho – Banaan bax looga soo horjeedo waddooyinka xiran ayaa ka socda Isgoyska Km4, halkaasoo ay xireen darawalada Mooto bajaajka oo soo buuxiyay isgoyska iyo hareerihiisa.

Waxaa istaagay isu socodka gaadiidka ee Isgoyska Km4 oo muhiim u ah isu socodka qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay inay rasaas cirka ugu ridaan mootooyinka bajaajka ee xiray wadada, waxaana cabashadooda ay ku muujinayaan in gebi ahaan wadada gooyaan.

Qaar ka mid ah darawalada mooto bajaajka ayaa sheegay inay ka cabanayaan jidadka xiran, isla markaana uu weli shaqeyn la’yahay amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in waddooyinka la furan.

Waxaa ay sheegeen in ciidamada ay subaxdii waddooyinka furaan, isla markaana ay galabtii xiraan.

Darawalada bajaajta ayaa sheegay in aanay wadada ka tagi doonin illaa Mas’uuliyiinta dowladda ay la hadlaan.

Xaalada Isgoyska KM4 ayaa ah mid qasan, iyadoo wadada ay isku xayiran tahay, ma jirto gaadiid gudbaya. – Jowhar News

Leave a Reply