Faalo Kusaabsan Degmada Garasbaaley, Iyo Danaha Gaarka Ah Ay Lahaayeen Xildhibaanadii Dhawaantan Booqday Degmadaasi

 

10-ka Juunyo, 2018

FAALO

Degmada Garasbaaley waxey kamid tahay Degmooyinka Magaalo Madaxda Jamhuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxey kutaalaa Duleedka Magaalada Muqdisho, waxeyna kamid aheyd Degaanadii Gobolkii Banaadir (Shabeelaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe) ee uu seddexda gobol u kala qeybiyay Taliskii Kelitaliska ahaa ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre sanadka markuu ahaa 1972-dii.

Bishii Juunyo 23-deedi, sanadkii 2014-tii waxaa gaar ahaan Degmada Garasbaaley iyo guud ahaanba Degmooyinkii Gobolkii Banaadir (Ex Banadir: Lower Shabelle, Mogadisho and Middle Shabelle) laga dhigay sidi shimbiro laga rifay baalashii ay ku buubi lahaayeen maadaama uu Madaxweynehii Xiligigaasi Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte uu hoos geeyay waxa hada loogu yeero ‘Koofur+Galbeed, ‘Hir+Shabelle’; iyadoona uu sii raaciyay in Muqdisho aysan wax xuquuq ah laheyn.

Hadabo dhawaantan waxaa Degmada Garasbaaley booqasho ku tagay Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow), isagoo ay wehlinayaan ku-xigeenadiisa iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon iyo Xildhibaan Sharma’arke Garaad Saleebaan oo kamid Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon iyo Xildhibaan Sharma’arke Garaad Saleebaan waxey Garasbaaley ka sheegeen iney Baarlamaanka Soomaaliya u gudbi doonaan baahida ka jirto Degmada Garasbaaley.

Weydiimaha markakane leys weydinayo waxey kala yihiin:

1. Horta ma iyagaa Xildhibaano u ah Reer Garasbaaley?

Warcelinta weydiintan waa cadahay oo waa MAYA.

2. Maxaa hada kusoo beegay in labadan Xildhibaan ay yiraahdaan – baahida ka jirto Degmada Garasbaaley waxaan u gudbineynaa Baarlamaanka Soomaaliya?

Warcelinta 2.1:

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon wuxuu doonayaa inuu iska dhigo Xildhibaan usoo hiiliyay Reer Garasbaaley, si markaasi ay Reer Garasbaaleyna ay isaga ugu hiiliyaan dagaalada uu kula jiro Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Gal-Mudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Warcelinta 2.2:

Xildhibaan Sharma’arke Garaad Saleebaan wuxuu isna doonayaa inuu iska dhigo Xildhibaan usoo hiiliyay Reer Garasbaaley, si markaasi ay Reer Garasbaaleyna ay isagane ugu hiiliyaan dagaalada uu kula jiro Somaliland.

Ayaan darro waxaa aheyd in Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow) uu Degmada Garasbaaley usoo wado Xildhibaano dano gaar lahaa. Bal halkan hoose ka fiiri sidi leysu marin habaabinayo:

Faaladan waxaan kusoo gunaanadayaa “Caanihi Hasheydaay Hurudooy, Haleeli Waayay Hurudooy, La Iiga Horjoogaa” ee halkan hoose kala sii soco.

Faalada W.Q. Abdulkadir Abukar Spinato

Leave a Reply