Muqdisho oo ka cabanaya wadooyinka oo kala xiran xilli Ciida la isku diyaarinaayo

09 Juunyo, 2018

 

Dadka reer Muqdisho ayaa la arkayaa iyaga oo ku lugeynaya wadooyinka waaweyn ee Magaalada gudaheeda, waxaana taasi ay ka dambeysay, kadib markii ciidamada dowladda ay xireen wadooyinka.

Gaadiidka rayidka ay raacaan ee basaska iyo Mootooyinka Bajaajta, ayaa ku shaqeynaya qaab kala wareeg ah oo wadooyinka xiran agteeda ayeey dadka dhigayaan, kadibna dadka ayaa ka raacaya gaadiidka dhinaca kale.

Tani waxa ay muujinaysa in Muqdisho hadda ay ku jirto xaalad go’doon ah marka loo eego isu socodka xorta ah ee Bulshada Magaalada oo maqan.

Hooyooyin gacmaha haya carruurtooda ayaa lagu arkayaa Magaalada gudaheeda, kuwaasi oo dhar suuqa uga soo iibinaya, lana soo lugeynaya.

Dhamaan wadooyinka iyo jidcadyaasha xaafadaha dhexmara waxaa la soo dhigay ciidamada Dowladda ay ugu yeertay SAMMA ee qaabilsan suggida ammaanka Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa kuu sheegaya inay dhibaato badan ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka Magaalada ee dib loo soo celiyay.

Inkastoo ay jiraan qataro dhanka ammaanka ah oo dowladda ay sabab uga dhigeyso xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho, ayaa haddana dadka waxa ay dareemayaan culeys badan. – Somalida Maanta

Leave a Reply